![]()
Ma ahan in la isku howlo oo keliya xag jiriinta soo noqoneeysa.
Lyssna:Beyadaha laisku xag jireeyo oo sii badanaya siina xidideeysaneya
Weli waxaa dalka ka jira kuna sii xoogeeysaneya beyadihii dadka ku soo jiidan jirey xag jirnimada lagu aado sidii looga garab dagaalami lahaa ururkii Daacish.
Sidaa daraadeed ayaanay u wanaagsaneeyn in xoogga la isugu geeyo oo keliya sidii dhaqan celis loogu sameeyn lahaa dadka ka soo noda dagaalladaa, sida uu sheegay madaxa hayadda nabad sugidda Sweden Klas Friberg oo u warramey laanta wararka Ekot.
– Waxa jira beyado xajmi ah iyo kuwo dijitaalba ah oo ey jiraan dadyow xag jiriin ah. Beyadahaa ayaa maanta ka xoog badan kolka loo barbar dhigo kolkii ey waddammada dibadaha aadayeen, sida uu sheegay Klas Friberg, madaxa nabadsugidda Säpo.
Hab sidee ah?
– Sannooyin bada ayey wakhti u heleen iney sii howl galaan, waana midda ey ku xoogeeysteen, waxey bulshada ka heleen maal gelin iyo dhaqaale dibadda uga yimaada oo u horseedey iney sii xoogeeystaan, sida uu sheegay Klas Friberg.
Maamulkii Khaliifadii ayaa laga guuleeystey waxaa sidoo kale istaagey safarradii Sweden looga ambabixi jirey.
Hase yeeshee waxaa halkoodii ka jira dhibaatooyinkii beyadihii xagjirka, kuwaasina oo weliba sii xoogeeystey. Waa warbixintii uu madaxa hayadda nabadsugiddu u jeediyey howl wadeenno ka socdey ciidanka ammaanka, degmooyinka iyo hoggaannada gobollada, mar ey ku sugnaayeen kulan ballaaran oo ka dhacay magaalada Göteborg oo looga hadlayey xagjirka iyo mabaadiida xooga ku dhisan. Ciidanka nabad sugidda ayaa maanta qiyaasaya iney dalka ka jiraan dhowr kun oo qof oo aaminsan fikirrada xagjirnimada ee halista ah, waana kor u kac xawli ku socda.
Qiyaastii 300 oo qof ayaa ka tagey Sweden si ey uga garab dagaalamaan Daacish. Dadkaasi badankood waxey ka tageen magaalada Göteborg.
Waa iskuulka halka loo baahan yahay in howsha laga bilaabo, sida uu sheegay Zan Jankoviski, isku duwaha ka hor tagga xagjirnimada ee magaalada Göteborg.
– Waxaa sii badaneya ardeyda dhibaatada ku qabta iskuullada waxeyna si sahlan ku qaadan karaan afkaartan, iyo sidoo kale iney ka mid noqdaan kooxaha dembiyada isku baheeysta. Waa howl aad u ballaaran sidii loo heli lahaa ardey ka badan oo iskuullada ku guuleeysata, gaar ahaan wiilasha, sida uu sheegay Zan Jankoviski, mar uu u warramay Carina Holmberg oo ka howl gasha Ekot.
somali@sverigesradio.se
Carina Holmberg
carina.holmberg@sverigesradio.se