![]()
10 kii bishii abrill ayaa laba wiil si xun loogu diley bakhaar ku yaala Sätra.
Lyssna:Dacwaddii laba wiil oo lagu diley Sätra oo maanta furantay
Maanta ayay furmi doontaa dacwad maxkamadeed oo salka ku haysa laba kiis oo dil ah oo mar ka wada dhacay xaafadda Sätra oo dhacda koonfurta magaalada Stockholm gugii ina dhaafay, halkaasina meel god ah oo guri hoostiis lagu toogtey laba wiil oo da’ yar ah.
Falkan ayaa la geeystey 10-kii bishii abriil ee sannadkan. Wiilasha la toogtey oo da’doodu ahayd 18 iyo 21 jirro ayaa maalin dabadeed laga heley goobtii lagu diley. Goobta ayaa laga heley iyaga oo qaawan, fadhiya oo dhowr xabbadood lagu toogtey, sida uu ciidanka ammaanku sheegey.
– In muddo ah ayaan boliis ku shaqeeynayey, welina ma arag wax u dhigma. Waxay u muuqatay sidii kooxaha muqaadaraadka ka ganacsada ee dalka Meksiko dilalka ey geeystaan, sida uu sheegay Torsten, ahna baare dilalka ee ka howl gala laanta koonfurta ee ciidanka ammaanka magaalada Stockholm.
-God guriga hoostiisa ah ayaa xoog lagu geliyey. Meel xiran oo aad ciriiri u ah, claustrophobic ah. Waxaa laga saarey dharkii. Waxaa la diley iyaga oo meel la fadhiisiyay, sida uu sheegay.
Maalmo dabadood isla toddobaadkii ayaa sidoo kale toogasho lagu diley xaafadda qudheeda wiil saddexaad. Dilkaasina oo weli baaristiisii lagu guda jiro, iyadoona uu ciidanka ammaanku aaminsan yahay inuu dailkan saddexaad la xiriiro labadii dil ee ka horreeyey.
Ciidanka ammaanka ayaa aaminsan iney dilalkan ka dambeeyaan isku dhac u dhexeeya kooxo dembiyada isku baheeysta, gangs waxa loo yaqaanno.
Inkasta oo ciidanka ammaanka aaney u suurta gelin inuu helo markhaatiyo la hadla ayuu xeer ilaaliyuhu wuxuu rajo wayn yahay in kiiskan uu xukun ku soo gabagaboobi doono. Caddeeymaha ayaa ku dhisan sawirro laga heley kaamerooyinka wax lagu ilaaliyo iyo goobtii ey ku sugnaayeen mobaayllada dadka dacwadda lagu soo oogey.
– Waxay ahayd guullo la gaarey. Waxaannu heeynaa liistiyo telefoonno oo eedeeysaneyaasha kula xiriirineya dhibbaneyaasha makaanno isku mid ah, iyadoona ey cad yihiin waxyaabihii dhacay falka hortii iyo dabadiiba, sida uu sheegay Torsten Alm oo u warramay Simon Andrén, oo ka howl gala Ekot.
Eedeeysaneyaasha ayaa iska dheereeyey iney wax gacan ah ku leeyihiin dacwaddan lagu soo eedeeyey.
somali@sverigesradio.se
Simon Andrén, Ekot
simon.andren@sverigesradio.se