Lixdii shaqaale Shiineeska ee ku shaqaaleysaa hanaanka ku meel gaarka ama muqaawilka, ayna shalay ka hadashay laanta Ekot qeybteeda galbeedka, ayaa hadda loo oggolaaday in ay ku sii negaadaan Iswiidhen, sida lagu shegay warbixin afka ah oo hay’adda socdaalka siisay ururka shaqaalaha ganacsiga.
Toddobaadkan ayaa saxaafadda waxay ka hadashay kiiska shaqaalahan ka soo jeeda dalka Shiinaha, kana howl galayay shirkad la yiraahdo Asian Food oo fadhigeedu yahay magaaladda Göteborg,waxaana la wariyay in shaqaalaha ay qaadanayen mushahar aad ugu yar inta caadiga ah ee lagu shaqeeyo, waxayna toddobaadkii shaqeynayeen 80 saacadood oo aan laheyn wax fasax aah, waxaana la dejiyay guryo aan laheyn biyo kulul.
Anne-Maj Lindblom oo ka shaqeysya ururka mideeya shaqaalaha ka how gala xarumaha ganacsiga ayaa sheegtay in bishii Maarso loo gudbiyay waaxda socdaalka codsi ruqsad shaqo oo ay doonayaan shaqaalaha Shiineeska basle ilaa hadda uusan jirin go’aan. Balse go’aanka hadda ayay sheegtay in uu yahay mid u oggolaanaya shaqaalahan in ay ku sii negaadeen dalka horena xitaa aan laheyn wax sidaasi oranaya.