Sannad-dugsiyeedkii 2012-2013 waxaa deeqda dhaqaale ee ardayda la siiyo laga joojiyey ardayda gaareysa 21000 oo dhigata dusgiyada sare. Sababta looga joojiyeyna waxay ahayd iyagoo waxbarashada u gooyey ama marar badan ka maqnaaday dugsiyada. Tiradaasina waa tiro aad u badan oo boqolkiiba 6 ka ah ardayda dugsiyada sare. Waxaana lacagtaan ardayda laga joojiyey sabab u ah iyadoo sannadkii 2012 la soo xeer adkeynaya habka ay Hay’adda Gargaarka ardaydu (CSN) u shaqayso. Labadii sannad-dugsiyadeedyadii ka horreeyey waxay tiradaasi ahayd boqolkiiba 5,5 iyo 4,4.
↧