Intii uu xisbiga Folkpartiet shirweynuhu uga socdey magaalada Västerås ayuu xisbigu siyaabo badan ugu janjeertay dhinaca siyaasadda bidixda.
Tusaale ahaan waxaa shirweynaha lagu go’aamiyey in sinnaanta ragga iyo dumarka laga dhigo su’aalaha ugu muhiimsan ee uu xisbigu doorashada soo socota ku galo. Wuxuu xisbigu dadaal ugu jiraa in xeerarka qaabbilsan dembiyda galmada la xiriira lagu daro qodob loogu magacdaray raalli isaga ahaanshaha. Wuxuu kaloo shirweynuhu go’aamiyey in caymiska waalidka bil dheeraad ah loogu daro aabbaayaasha labadii bilood oo khasab ahaa oo ay horay u lahaayeen in carruurta yaryar fasax ugu qaataan. Hoggaamiyaha xisbiga Folkpartiet Jan Björklund ayaan sidaan ka yiri: