Bisha soo socota waxaa dhaqangeli doona xeer cusub oo lagu kontaroolayo dadka shaqa-la’aanta ah oo tallaabo looga qaadayo qofkii aan si firfircoon isugu hawllin shaqaraadinta. Laakiin durbadiiba dhaleeceyn ayaa soo foodsaartay xeerkaan cusub.
Ururada shaqaalaha ee arrintaan dhaleeceynta u jeediyey waxaa ka mid ah ururka shaqaalaha maamulka oo loo soo gaabiyo ST, kaas oo qaba in uu xeerkaan cusubi ku siyaadinayo kontarool iyo hawlaha maamulka ay sameeyaan.