Waxaa hadda la dheereeyey xilliga uu qofku qaadan karo kaalmada dhaqaale ee ardayda la siiyo inta ay waxbarashada ku jiraan. Horey waxay u ahayd ilaa uu qofku ka gaarayo 54 sano jir, haddana waxaa la gaarsiiyey 56 sano jir. Taasina waxay qayb ka tahay hawlo ay dowladdu ku kordhineyso fursadaha in qofku uu da’ dambe uga beddelan karo xirfaddiisa. Sidaasna waxaa wargeyska Sydsvenska Dagbladet ku qortay Maria Arnholm oo ah wasiiradda arrimaha sinnaanta ragga iyo dumarka, isla markaasna ah wasiir-ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada.
↧