Codsiga ruqsadda shaqada ayaa noqday hab cusub oo ay dad badan oo Suuriyaan ah doonayaan in ay Iswiidhen ku soo galaan.
Dad gaaraya boqolkiiba 55 oo ka mid ahaa 419 qof oo Iswiidhen ku soo galay ruqsadda shaqada ayaa markii ay dalka soo galeen isdhiibey oo codsaday magangelyo. Tiradaasna waxay ku qornayd qoraal uu wargeyska Dagens Nyheter ka helay Hay’adda Socdaalka.