Kooxda qaranka kubadda cagta hablaha ee dalkan Iswiidhen ayaa u gudbay is-reebka kaalinta seemi-finaalka, kadib iyaga oo 4:0 kaga guuleeystay dhigooda ee dalka Iisland ciyaar ay axaddii isku hardiyeen garoon ku yaala magaalada Halmstad. Hablaha cayaartooyda ee Iswiidhen ayaa dhibic ku saaray cayaarta muddo 19 daqiiqadood gaarsii-san oo ey ka soo kaban waayeen xulka qaranka Iisland.
↧