Dufaan maalmihii sabtida iyo axadda ku dhufatay waqooyiga Iswiidhen ayaa khasaarooyin ballaaran ku geysatey kaymaha iyo laamaha isgaarsiinta degaanadaas. Sidaasna waxaa soo werisey idaacadda P4 Norrbotten. Waxaa gobolka Västerbotten ku koronto beelay qoysas tiradoodu gaareyso 5600. Laakiin gobolka Norrbotten hadda korontadii waa u soo noqotay dhammaan macaamiisha.
↧