Dadyoow badan ayaa dacwad ka gudbiyey qoraalkii lagu soo daabacay aaladda internet-ka ee twitterka, midkaasina oo lagu sheegay in lagu farax-san yahay geerida gabadhii 5-jirta oo meeydkeeda laga helay nawaaxiga Horndahl ee magaalada Alvesta.
Maxamuud Salaad oo ka mid ah shakhsiyaadka dacwadda ka gudbiyay, hase yeeshee loo sheegay in dacwaddii ay boliiska hoosta geliyeen maadaama aanay suurtagal ahayn in dambi lagu soo oogo shakhsigaa oo aan wareeysi la yeelanay ayaa noo sheegay wareeysi dhinacyo badan taabanaya oo aan la yeelanay in loo baahan yahay soomaalidu iney u istaagto sidii ey gacmaha isu qab-san lahaayeen, isla-markaana u difaacan lahaayeen danahooda: