Waxaa mustaqbalka Iswiidhen sare u soo kacaya tirada dadka haysta tacliinta sare. Sidaasna waxaa lagu muujiyey saadaal maanta ka soo baxday xarunta dowladda. Waxaa saadaashaas ka muuqata in boqolkiiba 53 dhallinyarada hadda 19 sano jirka ah ay bilaabi doonaan jaamacadaha.
Waxaa kaloo saadaashaas si cad uga muuqatey in ardayda hadda dhammeysaneysa dugsiyada sare ay haystaan fursado ka wanaagsan kuwii jiilashii ka horreeyey oo ay ku bilaabaan waxbarasho jaamacadeed. In ka badan boqolkiiba konton ardayda dugsiyada sare dhammeysta oo da’doodu tahay 19 sano, waxaa laga yaabaa in ay bilaabaan tacliin sare inta aysan gaarin 34 sano jir. Toddoba sano kadibna waxay tiradaasi gaareysaa boqolkiiba 63.