Hawada ayaa noqon doonta mid kulul oo aan roob wadan ilaa bilowga toddobaadka dambe. Derejada kuleylka waqooyiga Iswiidhen waxay gaari doontaa 20 garaaddo, halka ay konfurta ka noqoneyso 25 garaaddo. Kuleylka hawadu sidaas ayey sii ahaan doontaa, taas oo ay ugu wacan tahay hawo cadaadis sare wadata oo dib u dhigeysa hawada cadaadiska hoose ee deyrta.
↧