Dukaanka khamriga lagu iibiyo ee Systembolaget ayaa boliiska ku dacweeyey dukaanka cuntada ee Citygross iyo shirkadda Winefinder maadaama ay dadweynaha ugu deeqday in ay khamriga ka iibsan karaan Internetka marka ay cuntooyinka iibsanayaan. Qofka shakhsiga ahi xaq ayuu u leeyahay in uu khamri uu isagu isticmaalaayo dalka soo geliyo, laakiin dukaanka Systembolaget wuxuu andacoonayaa in aysan sharci ahayn in iswiidhish dillaal ah la isticmaalo. Sidaasna waxaa tiri agaasimaha Systembolaget Magdalena Gerger.
↧