Waxaa aad looga dayriyey xaaladda dhabbaha tareenada ee u dhexeeya Stockholm central iyo Södra station oo ku yaal bartamaha Stockholm. Dhabbahaas oo ay ku wada safraan tareenada gudaha iyo kuwa degmooyinka kale u goosha ayaa hadda xaaladdiisa lagu tilmaamay mid khatar ku ah ammaanka.
↧