Fannaanka Cumar Suleymaan oo dalka Suuriya u dhashay ayaa loo oggolaaday fiise uu ku soo galo Iswiidhen si uu uga qaybgalo konjeertada muusigga ah oo lagu magacaabo Way out West oo lagu qaban doono magaalada Göteborg.
In fannaankaan Cumar Suleymaan loo oggolaaday fiisihii uu Iswiidhen ku soo geli lahaa si uu maanta berri ah uga qaybgalo Way Out West waxaa sheegay maareeyihiisa oo warqad u soo diray barnaamijka Kulturnytt. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa iyaduna xaqiijisay warkaan.