Waxaa la sheegay in wadne-xanuunka iyo maskaxda oo dhiig ku furmo ay ku soo badatay ragga iyo dumarka Iswiidhen, ayna taas ugu wacan tahay dufanka la cuno oo tobankii sano oo ugu dameysey aad u soo kordhay. Waxyaalaha kororkaas loo aaneynayana waxaa ka mid ah cuntooyinka dufanku ku badan yihiin oo hadda noqday wax aad loo jeclaado. Sidaasna waxaa bogga doodda ee DN ku qoray dhakhaatiir iyo caalimo ka hawlgala Machadka Karolinska.
↧